Mareykanka oo xaqiijisay in Nin hubka u iibiya Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ka dhacday Sanaag

Mareykanka ayaa ugu danbeyn si cad u qirtay inuu ka banbeeyay duqeyntii ka dhacday degaanka Jiicanyo, degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, Duqeyntaasi ayaa lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ahaa odayaasha Gobolka Sanaag.

Sida ku cad qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamad Mareykanka ee Afrika, waxay Milatariga Mareykanka goor dhow xaqiijiyeenin duqeyntaasi oo dhacday 13-kii bishan ay ka fuliyeen agagaarka degmada Badhan ee waqooyi bari Soomaaliya, iyagoo ku beegsaday nin ay sheegeen Al-Shabaab u qaabilsanaa iibka Hubka.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay inay duqeynta la kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Duqeyntii lagu khaarijiyay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi waxaa si cad hadda u sheegatay dowladda Mareykanka, iyadoo ku eedeysay Nabadoonka inuu hubka u iibin jiray Alshabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland oo arrintan ku saabsan, waxaana hadda la sugayaa xaqiiqada inuu Nabadoonka la shaqeyn jiray AS iyo in kale.

Ma cadda cidda xogta siisay Mareykanka ee ku hoggaamisay fulinta duqeynta oo si gaara loola beegsaday hal shaqsi, xogta ku xeeran nabaddoonka la dilay iyo faahfaahinta howlgalkan, balse waxaa muuqata inay dhalin doonto dood culus oo ku saabsana duqeymaha Mareykanka iyo dalalka kale ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

Dowlada Federalka ayaa looga fadhiyaa inay Beesha Sanaag iyo dadka uu ka dhintay Nabadoonka u caddeyso sida wax u dhaceen iyo haddii si khalad ah falkaasi loo fuliyay.

Xaqiijinta Mareykanka ayaa imaaneysa maalmo kadib markii ay dhacday duqeyntan oo muran badan dhalisay, iyadoo ay ka gaabsadeen Maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka, dhinacyo kal duwan ayaana ku eedeeyay Imaaraadka Carabta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles