Somalia oo ka qeyb gashay doorashooyinka hoggaanka Ururka Boostada Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si rasmi ah uga qaybgalay doorashooyinka hoggaanka Ururka Boostada Adduunka (UPU), kuwaas oo ka socda magaalada Dubai, halkaas oo uu ka furmay Shirweynaha 28-aad ee ururka caalamiga ah.

Doorashooyinku waxay udhexeeyeen jagooyinka ugu sarreeya ee hoggaamineed ee ururka boostada aduunka, kuwaas oo kala ah: Agaasimaha Guud, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud , Xubnaha Guddiga Fulinta Iyo Xubnaha Guddiga Hawlaha Boostada.

Kadib natiijada doorashada, Wasiir Maxamed Soomaali ayaa hambalyo u diray Mudane Masahiko Metoki, oo dib loogu doortay Agaasimaha Guud, iyo Mudane Marjan Osvald, oo markale loo doortay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud.

Ka-qaybgalka doorashooyinkan caalamiga ah waxa uu Soomaaliya uga dhigan yahay tallaabo istaraatiiji ah oo muhiim ah, taas oo xaqiijinaysa in codka iyo aragtida dalka ay qayb ka noqdaan go’aannada waaweyn ee lagu hago mustaqbalka adeegyada boostada caalamiga ah. Sidoo kale, waxa uu dalka u furaa fursado cusub oo istiraatiiji ah, kuwaas oo lagu horumarinayo adeegyada boostada gudaha.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles