Gudoomiye Madaale oo isbitaal ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Liido

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saqdii dhexe ee xalay qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii arxan darradda oo ay kooxda Khawaarijta ka geysteen xeebta Liido.

Duqa Muqdisho ayaa dul istaagay qaar ka mid ah dhaawacyada, asigoona warbixin ka dhageystay Takhaatiirta la tacaalaya baxnaaninta dhaawacyada. Waxa uu eebe ugu baryay caafimaad deg deg ah inta ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkaasi arxanka darnaa, asigoona jannatul fardowsa u rajeeyay shuhadadii ku shahiiday weerarkaasi.

Guddoomiyaha Ggobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay takhaatiirta iyo goobaha caafimaadka in sida ugu wanaagsan oo aan shuruud ku xirneyn ay ula tacaalaan caafimaadka dadka ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkii ka dhacay Liido.

Duqa magaalada Muqdisho ayaana ballanqaaday in maamulka gobolka Banaadir uu gacan ka geysan doonno garab istaaga iyo gacan siinta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii xalay dhibaatada kasoo gaartay weerarkii Al Shabaab geesteen..

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles