Tuesday, September 23, 2025

UK oo la filayo in ay ku dhawaaqo aqoonsiga dowlad Falastiin ah

Ra’iisul Wasaaraha UK, sir Keir Starmer ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo aqoonsiga dowlad Falastiin ah bayaan uu soo saarayo galabnimada maanta oo axad ah

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ra’iisul wasaaruhu uu bishii Luulyo sheegay in UK ay beddeli doonto mowqifkeeda bisha Sebtember haddii Israa’iil aysan fulin shuruudo ay ku jiraan xabbad-joojin buuxda oo Qasa ka dhacda iyo ballan-qaad ku aaddan heshiis nabadeed oo waara oo horseeda xal laba-dowladood ah.

Tani waxay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibedda ee Britain, iyadoo dowladihii hore ay ku adkeysanayeen in aqoonsiga Falastiin uu iman karo oo kaliya qayb ka ah geeddi-socod nabadeed iyo waqti ugu saameynta badan.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan waxay dhalisay dhaleeceyn culus oo uga timid dowladda Israa’iil, qoysaska la haystayaasha iyo qaar ka mid ah xisbiga Conservative-ka.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa horay u sheegay in tallaabada noocaas ah ay tahay “abaalmarin la siiyay argagixisada.”

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 22/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixanaya Heshiiska Iskaashiga difaaca

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil...

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Saraakiil sare oo Mareykan ah

Madaxweynaha  Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kulan...

Askari ka tirsan DFS oo darawal ku dilay Kaaraan

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degmada...

Maxaa looga hadlayaa shirka Golaha Ammaanka ee Q.M ee Furmaya Mareykanka?

Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa maanta si...

Soomaaliya oo soo dhaweysay taageerada Masar

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysey dhambaal ka soo baxay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles