Soomaaliya oo soo dhaweysay taageerada Masar

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysey dhambaal ka soo baxay dowladda Masar, kaas oo ay taageero ugu muujisay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka amniga iyo xasillinta dalka.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya bogaadineyso islamarkaana abaal uga hayso dhiggeeda Masar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Iyadoo xustay tani ka turjumeyso xiriirka qotoda dheer iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Wasaaraddu waxay sheegtay in yabooha ka yimid masar uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo Soomaaaliya ku jirto dagaal dalka lagu xasilinayo, si loo soo celiyo amniga iyo kala dambeynta.

Ka sokow saanad militari iyo tababarro ay u fidiso Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Masar ayaa lagu wadaa in ciidankeedu dhawaan ku soo biiraan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomnaaliya, kaas oo ay cutubyo ciidamo ah ugu deeqday.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles