Sunday, December 28, 2025

Maxaa looga hadlayaa shirka Golaha Ammaanka ee Q.M ee Furmaya Mareykanka?

Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa maanta si rasmi ah looga furay kalfadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo socon doona inta u dhexeysa 22-ka ilaa 27-ka Sebtembar, iyadoo lasoo xirayo 29-ka bishan. Kalfadhigan oo sannadle ah ayaa lagu wadaa in madaxda dalalka xubnaha ka ah QM ay kaga doodaan caqabadaha ugu waaweyn ee caalamka horyaalla.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa shirkan, waxaana lagu wadaa inuu jeediyo khudbad rasmi ah oo uu kaga hadlayo arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, xaaladda guud ee dalka iyo kaalinta Soomaaliya ee dadaallada caalamiga ah.

Ajandaha sannadkan waxaa ugu weyn ka doodista isbeddelka cimilada iyo saameynta taban ee uu ku yeeshay dunida, iyadoo hoggaamiyeyaashu ay raadinayaan xal waara oo lagu yareyn karo khataraha deegaanka. Sidoo kale, waxaa madasha looga hadlayaa xaaladda ka taagan Qaza, nabadda iyo amniga caalamka, dib-u-habeynta hay’adaha QM, yareynta saboolnimada, iyo horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay New York la kulmi doona hoggaamiyeyaal caalami ah, si uu ula yeesho wada-hadallo ku saabsan danaha labada dhinac, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka...

Wadamo iyo Ururo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid...

Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal...

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos...

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles