Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Saraakiil sare oo Mareykan ah

Madaxweynaha  Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah oo istiraatiiji ah la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee arrimaha amniga Bariga Afrika.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha uga mahadnaqay booqashadooda, isagoo kala hadlay xoojinta nabadgelyada Geeska Afrika, iskaashiga iyo adkaynta wada shaqaynta amniga ee u dhaxaysa Somaliland iyo Mareykanka.

Madaxweyne Cirro ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland ay u leedahay gobolka, isagoo sheegay in Somaliland tahay saaxiib lagu kalsoonaan karo oo muddo soddon sano ka badan ka shaqaynayay amniga, dimuqraadiyadda iyo horumarka bulshada.

Dhankooda, saraakiisha Mareykanka ee Bariga Afrika ayaa Somaliland ku ammaanay doorka ay ka qaadato sugidda amniga gobolka, iyagoo ballan qaaday in la dardar gelin doono wada shaqaynta labada dhinac ee dhinacyada amniga, tababarrada iyo taageerada farsamo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles