Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarka xeebta Liido

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii   xalay ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 32 qof, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Qarammada Midoobay ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna u rajeysay kuwii ku dhaawacmay inay si dhaqso ah u bogsadaan.

“Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti ku qaataan qoyska iyo asxaabta, kuna raaxaystaan ​​bilicda xeebaha Soomaaliya. Bartilmaameedka goobtan waa fal laga naxo oo keenaya in si adag loo cambaareeyo,” ayuu yiri Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Annaga oo ka mid ah dhammaan dadka nabadda jecel ee Soomaaliyeed ee u baroordiiqaya dhibaatadan murugada leh, waxaan mar kale xaqiijinayaa taageerada Qaramada Midoobay iyo garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka,” ayuu raaciyay.

Sida ay sheegayaan wararka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo ahaa mid ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah oo dhex maray argagixisada iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles