Wednesday, July 30, 2025

Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarka xeebta Liido

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii   xalay ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 32 qof, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Qarammada Midoobay ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna u rajeysay kuwii ku dhaawacmay inay si dhaqso ah u bogsadaan.

“Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti ku qaataan qoyska iyo asxaabta, kuna raaxaystaan ​​bilicda xeebaha Soomaaliya. Bartilmaameedka goobtan waa fal laga naxo oo keenaya in si adag loo cambaareeyo,” ayuu yiri Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Annaga oo ka mid ah dhammaan dadka nabadda jecel ee Soomaaliyeed ee u baroordiiqaya dhibaatadan murugada leh, waxaan mar kale xaqiijinayaa taageerada Qaramada Midoobay iyo garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka,” ayuu raaciyay.

Sida ay sheegayaan wararka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo ahaa mid ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah oo dhex maray argagixisada iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

Qoysas hor leh oo ka barakacay dagaalka Beledxaawo oo gaaray Magaalada Mandheere

Warbaahinta deegaanka Mandheera ayaa baahisay in saacadihii la soo...

Waa sidee saaka xaalada Beledxaawo, kadib dagaalkii shalay

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay...

Mareykanka iyo Iran oo hanjabaad hawada isku mariyay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi oo u...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 29/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil iyo Madaxweyne Putin oo ka wada-hadlay arrimaha Iran

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la hadlay madaxweynaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles