Gudoonka Baarlamanka oo furay kulan ku saabsan geedi socodka dhammaystirka Dastuurka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qeyb galay kulan banbax ah oo guddiga lasocodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka uga furmay magaaladda Muqdisho, sidoo kale kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha aqalka sare mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, guddoonka labada guddi, habdhowrka iyo sidoo kale xoghayaasha guud ee labada aqal.

Kulanka oo socon doona mudo laba maalmood ah, waxa uu qayb ka yahay dardargelinta dib u eegista iyo dhammaystirka Dastuurka dalka, si Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loogu gudbiyo cutubyada harsan, islamarkaana uu uga guto waajibaadkiisa Dastuuriga.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles