Qarax dad badan lagu dilay oo ka dhacay duleedka Balcad

Qarax miino ayaa saakay haleelay gaari nuuca rakaabka ah oo ay ku safrayeen dad shacab ah ,  kaa oo marayay xulliga uu qaraxa haleelay deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa la kacay gaari nuuciisa lagu sheegay caasi ama Homy, waxaana gaariga oo ka yimid dhinaca magaalada Jowhar kuna soo jeeday magaalada Muqdisho saarnaa 11-qof oo rakaab ah una badnaa dumar.

Inta la xaqiijiyay qaraxa miino waxaa ku dhintay 4 qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga miinada haleeshay, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay tiro kale oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga qaraxa la kacday.

Al Shabaab ayaana lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen qaraxa miino ee la kacay gaariga shacabka saarnaayeen, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo ay kooxda Al Shabaab kasoo saareen qaraxan miino ee maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli wali dadka Soomaaliyeed ka murigeysan yihiin weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaa oo lagu laayay dad badan oo shacab ah oo nasiino iyo dalxiis u tagay xeebta Liido.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles