NISA oo war ka soo saartay duqeyn lagu horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ay duqeyn ka fuliyeen Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Hoose.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ka fuliyey gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose.”Ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale NiSA ayaa ku sheegtay “Howlgalka gobolka Hiiraan: Waxaa lagu dilay horjooge Cabdi Xiiray iyo labo horjooge oo kale oo ku sugnaa degmada Moqokori. Horjooge Cabdi Xiiray, oo muddo lagu raad joogay, ayaa ahaa dhiigyo-cab abaabulay dhagarro iyo shirqoollo badan oo lagu waxyeelleeyay shacabka deegaannada Hirshabeelle.”.

“Howlgalka gobolka Galgaduud: Illaa 11 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ka dib markii la helay xog ku saabsan maleeshiyaad Khawaarij ah oo halkaasi lagu abaabulayay.”ayaa la sii raaciyay Warka NISA.

Bayaanka NISA ayaa lagu soo gabagabeeyay “Howlgalka gobolka Shabeellaha Hoose: In ka badan 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, howlgal lagu beegsaday maleeshiyaad cadowgu ku urursanayey tuulada Tugaarey oo hoos timaadda degmada Awdheegle.”.

Taliska NISA ma soo bandhigay sawirada xubnaha ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegtay in ay duqeyn ku dishay.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles