Wednesday, June 24, 2026

NISA oo war ka soo saartay duqeyn lagu horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ay duqeyn ka fuliyeen Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Hoose.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ka fuliyey gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose.”Ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale NiSA ayaa ku sheegtay “Howlgalka gobolka Hiiraan: Waxaa lagu dilay horjooge Cabdi Xiiray iyo labo horjooge oo kale oo ku sugnaa degmada Moqokori. Horjooge Cabdi Xiiray, oo muddo lagu raad joogay, ayaa ahaa dhiigyo-cab abaabulay dhagarro iyo shirqoollo badan oo lagu waxyeelleeyay shacabka deegaannada Hirshabeelle.”.

“Howlgalka gobolka Galgaduud: Illaa 11 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ka dib markii la helay xog ku saabsan maleeshiyaad Khawaarij ah oo halkaasi lagu abaabulayay.”ayaa la sii raaciyay Warka NISA.

Bayaanka NISA ayaa lagu soo gabagabeeyay “Howlgalka gobolka Shabeellaha Hoose: In ka badan 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, howlgal lagu beegsaday maleeshiyaad cadowgu ku urursanayey tuulada Tugaarey oo hoos timaadda degmada Awdheegle.”.

Taliska NISA ma soo bandhigay sawirada xubnaha ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegtay in ay duqeyn ku dishay.

WARARKII KALE

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

Ahlu Sunna Waljamaaca oo laga saaray Liiska Kooxaha lagu eedeeyo Askaraynta Carruurta

Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ururkii Ahlu Sunna...

Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku qalabaynayo hubka niyukliyarka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles