Sheekh Shariif oo ku baaqay in la sii daayo dad ay xireen Ciidamada Ammaanka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray dad ay xireen ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

“Waxaan aad u cambaareynayaa islamarkaana aan sinnaba loo aqbali karin afduubka ka baxsan sharciga iyo dowladnimada ee  hay’addaha ammaanka dowladu ay u gaysteen xubno ka mid ah waxgaradka iyo haldoorka bulshada caasimadda oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, ganacsade Cali Xaaji iimaan iyo sidoo kale Gacansade Cabdulqaadir Maxamud Cilmi (bulaale).”Ayuu yiri Sheekh Shariif.

Falkaan afduubka ah wuxuu waji gabax iyo ceeb ku yahay cid kasta oo soo abaabushay wuxuuna dhaawacayaa xasilloonida, amniga iyo kalsoonida bulshada ay ku qabi karto xukuumadda Federaalka ah oo markaan u soo dhar dhigatay, una bareertay ku xadgudubka karaamada shacabka iyo masuuliyiinta.

Waa in si deg-deg ah xoriyaddooda loo siiyo masuuliyiinta la afduubay waxaana Ciidamada ammaanka ku boorrinayaa inay ka fogaadaan in loo adeegsado danno siyaasadeed oo gurracan iyo cabburinta bulshada caasimadda taasoo hadda u muuqata inay xaduuda sharciga ah dhaaftay

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles