Wednesday, March 4, 2026

Maxkamada ciidamada oo sii daysay askar ku eedeysneed inay saxiixeen qaliin aysan xaq u lahayn

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada ayaa maanta siiyay xoriyadooda Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed.

Maxamed iyo Cabdisalaan ayaa lagu eedeeyey saxiix qaliin aysan xaq u lahayn oo lagu sameeyay Marxuum Nimco Muuse Axmed oo aheyd hooyo xaamilo ah, gaaratayna xilligii dhalmada.

Labada Eedeysane oo lahaa Xiriir aan dhaafsiisneyn in ay ahayeen dad asxaab ah, iyaggoo kala Matalay Seyga iyo Walaalka Marxuumad Nimco Muuse Axmed oo Sodon iyo Kowda Bishii seddexaad ee sanadkaan geeriyootay Qaliin loogu sameeyay Hospital ka Digfeer Ee Muqdisho.

Waxa ay Saxiixeen qaliinkeeda iyaggoo kala Matalay Seyga iyo Walaalka Marxuumad Nimco Muuse Axmed oo Sodon iyo Kowda Bishii seddexaad ee sanadkaan geeriyootay Qaliin loogu sameeyay Hospital ka Digfeer Ee Muqdisho.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday labaatankii Bishaan .

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta siiyay xoriyadooda Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed, Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles