R/Wasaare Xamsa oo la kulmay wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay wafdi sare oo ka socda ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dalka u yimid hirgalinta mashruuc weyn oo lagu taageerayo Manhajka waxbarashada dalka iyo horumarinta Afka Carabiga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey ururka Jamacadda Carabta, taageeradooda ku aaddan dhinacyada diblumaasiyadda, waxbarashada, dowlad-dhiska iyo doorka ay ka qaateen dayn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.

Xubnaha ka socday ururka Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, Mudane Zayd Al-sabbaan, ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda Soomaaliya iyo horumarka ay gaartay, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista iskaashiga iyo horumarka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo wada-shaqeynta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles