Iran oo looga digay inaysan kordhin xiisadda ka dib cunaqabateyntii dib loogu soo rogay

Dowladaha Ingiriiska, Faransiiska, iyo Jarmalka ayaa ugu baaqay Iran inaysan kordhin xiisadda, isla markaana ay raacdo waddada wadahadalka, kadib markii cunaqabatayntii Qaramada Midoobay dib loo soo rogay Sabtidii.

Saddexda dal waxay sheegeen in aysan haysan wax doorasho kale ah oo aan ahayn inay dib u soo celiyaan tallaabooyinka adag ee ka dhanka ah Tehran, “iyagoo u arka inay tahay fursaddii ugu dambeysay” sababo la xiriira “sii kordhinta barnaamijkeeda nukliyeerka iyo iskaashi la’aanta Iran.”

“Waxaan ugu baaqaynaa Iran inay ka waantoobto tallaabo kasta oo xiisadda sii hurinaysa,” ayay ku yiraahdeen war-saxaafadeed wadajir ah, iyagoo raaciyay: “Dib u soo rogidda cunaqabataynta Qaramada Midoobay ma ahan dhammaadka diblomaasiyadda.”

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa toddobaadkii hore ku adkaystay in dalkiisu uusan wax ujeeddo ah ka lahayn horumarinta hubka nukliyeerka, isagoo cambaareeyay dib u soo celinta cunaqabataynta caalamiga ah, kuna tilmaamay inay yihiin “kuwa aan cadaalad ahayn, aan sax ahayn, kana soo horjeeda sharciga.”

Qaramada Midoobay ayaa dib u soo rogtay cunaqabataynta dhaqaale iyo mid milatari oo ballaaran oo lagu soo rogay Iiraan saacaddu markay ahayd 00:00 GMT Sabtidii — toban sano kadib markii laga qaaday heshiis caalami ah oo muhiim ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

Iiraan waxay kordhisay hawlaha nukliyeerka ee mamnuuca ah ka dib markii Maraykanku ka baxay heshiiska 2016-kii. Donald Trump ayaa Maraykanka ka saaray heshiiska intii uu xilka hayay muddo xileedkiisii hore, isagoo dhaleeceeyay heshiiska — oo loo yaqaan Qorshaha Wadajirka ee Waxqabadka Guud (JCPOA) — oo laga wada xaajooday xilligii madaxweynihii hore Barack Obama, isagoo ku tilmaamay mid leh cilado.

Wadahadalladii dhex maray saddexda dal iyo Iiraan dhinacyada kalfadhiga Golaha Guud ee QM toddobaadkan hore ayaa ku guuldareystay inay soo saaraan heshiis dib u dhigaya dib u soo celinta cunaqabataynta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles