Wednesday, July 8, 2026

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukuno adag ku riday todoba gabdhood oo caan ahaa

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah xukun ku ridday 7 dhallinyaro ah oo Tiktoore ah, kuwaasi oo midkiiba lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah. Dacwadda oo soo martay heerarkeeda kala duwan ayaa eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal hablood, waxaa 7 ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo ka mid ah ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda.

Xukumanaayasha ayaa lagu helay dambiyo ku saabsan kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye, iyo faafinta dhaqamada anshax xumada ah. Dadka xukunka lagu riday oo ah gabdho caan ka ah baraha bulshada ayaa kala ah Sihaam Tahliil, Nashaad Nal, Sacdiyo Galmudug, Iftin Model, Anjal, iyo Farxiyo Zoona.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore isku dayday in ay mamnuucdo isticmaalka barta TikTok, iyada oo mamnuuciddaas ay dhalisay cabasho ka timid dhalinyarada kuwaas oo ku tiirsan dakhli ay ka helaan TikTok. Qaar ka mid ah dhalinyarada ayaa ku doodaya in TikTok uu yahay madal ay kaga faa’iideystaan ganacsigooda, suuq-geynta, iyo abuurista nuxur madadaalo ah, taas oo u suurtagelineysa in ay helaan il dhaqaale oo muhiim u ah noloshooda

Xukunka maxkamadda ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli bulshada Soomaaliyeed ay ka doodayaan saameynta baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, oo noqday madal ay dad badan ku faafiyaan fikrado iyo dhaqamo kala duwan. Xeer-ilaalinta ayaa ku doodday in gabdhaha la xukumay ay ku xadgudbeen anshaxa bulshada iyo nabadgelyada guud, taas oo keentay in tallaabo sharci ah laga qaado.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Dekadaha oo Baydhabo kula kulmay Odayaasha dhaqanka

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeer ku sameeyay ciidamada Shabeellada Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha...

Booliska Kenya oo adkeeyay ammaanka Nairobi ka hor dibadbaxyada iyo Baarlamaanka oo la hareereeyay

Booliska Kenya ayaa dhigay xannibaado iyo baro kontorool waddooyinka...

Wadahadalo u furmaya DF iyo mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo dhex dhexaadinaysa

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah ka furmay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles