Friday, April 17, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga BFS xili buuq siyaasadeed uu wajahayo dalka

Waxaa maanta si rasmi ah u furmaya kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo horyaalla ajandayaal culus oo la xiriira xaaladda siyaasadeed, ammaanka iyo shuruucda dhismaha dowladnimada.

Kalfadhigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalka uu ka jiro buuq siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, taas oo dhalisay in dhowr jeer dib loo dhigo furitaankiisa.

Waxaa sidoo kale jira cabsi laga qabo in kulanka maanta uu hareeyo sawaxan iyo diidmo siyaasadeed, maadaama ay jiraan xildhibaano mucaarad ah oo si weyn uga careysan hannaanka siyaasadeed ee socda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furaya kalfadhigan isaga oo jeedin doona khudbadda dastuuriga ah.

Khudbaddaas ayaa lagu wadaa inay diiradda saarto waxqabadka dowladda, qorshayaasha horyaalla Baarlamaanka inta uu socdo kalfadhigu, iyo marxaladda adag ee uu dalku marayo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu iftiimiyo guulaha dowladda ay sheegtay inay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dib-u-habeynta maaliyadda, iyo xiriirka caalamiga ah, halka Baarlamaanka laga sugayo inuu xoogga saaro mooshinnada iyo sharciyada mudnaanta u leh bulshada.

Furitaanka kalfadhigan 7-aad ayaa si gaar ah muhiim ugu ah xaaladda siyaasadeed ee dalka, maadaama mowjado siyaasadeed oo cusub ay soo kacayaan iyo mooshino horay loo gudbiyay ay wali miiska saaran yihiin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka difaaca Israa’iil oo ugu hanjabay Iran weeraro ‘kasii xanuun badan’ kuwii hore

Wasiirka gaashaandhiga Israa'iil Israel Katz ayaa uga digay Iran...

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, oo ah dhexdhexaadiyaha ugu...

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbooyinka

Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Ciidamada...

DFS oo ka hortimid safiirka ay Israel u magacowday Somaliland

Dowladda Israa’iil ayaa qaaday tallaabo cusub oo sii hurisay...

Israa’iil oo safiir cusub u magacowday Soomaaliland

Israa’iil ayaa safiirkii ugu horreeyay u magacowday maamulka gooni-goosadka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles