Wasiirka Warfaafinta XFS oo Kulan la Yeeshay Wafdi ka Socday Jamacada Carabta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Ururka Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayay Mudane Zayd Al-Sabban, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Sudan ee ururka.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dhinac ee horumarinta warbaahinta iyo arrimaha dhaqanka, gaar ahaan barnaamijka lagu xoojinayo luqadda Carabiga.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa bogaadiyay doorka Ururka Jaamacadda Carabta ee xoojinta afka Carabiga, isagoo xusay in Warbaahinta Qaranka ay diyaar u tahay inay door weyn ka qaadato ololaha lagu kobcinayo afkaas, sida ay horeba uga qayb qaadan jirtay.

Madaxa wafdiga Jaamacadda Carabta, Mudane Zayd Al-Sabban, ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin inay wadashaqeyn buuxda la yeeshaan Warbaahinta Qaranka, isla markaana taageero joogto ah la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Intii kulanka uu socday, Wasiirka Warfaafinta iyo wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale booqday Kaydka Cajaladaha ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay ka socoto hawsha lagu casriyeynayo kaydka (digitalization).

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdullaahi Xayir Nuur; Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare; Dr. Rami Zaki Iskandar, Agaasimaha Waxbarashada ee ALECSO; Dr. Cali Cabdalla Al-Naciim, Agaasimaha Machadka Luuqadda Carabiga ee ALECSO ee magaalada Khartoum; Danjiraha Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Cabdullaahi Mudhlaq Al-Uteybah; iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles