Saturday, June 27, 2026

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Kulan la Yeeshay Wafdi ka Socday Jamacada Carabta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Ururka Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayay Mudane Zayd Al-Sabban, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Sudan ee ururka.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dhinac ee horumarinta warbaahinta iyo arrimaha dhaqanka, gaar ahaan barnaamijka lagu xoojinayo luqadda Carabiga.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa bogaadiyay doorka Ururka Jaamacadda Carabta ee xoojinta afka Carabiga, isagoo xusay in Warbaahinta Qaranka ay diyaar u tahay inay door weyn ka qaadato ololaha lagu kobcinayo afkaas, sida ay horeba uga qayb qaadan jirtay.

Madaxa wafdiga Jaamacadda Carabta, Mudane Zayd Al-Sabban, ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin inay wadashaqeyn buuxda la yeeshaan Warbaahinta Qaranka, isla markaana taageero joogto ah la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Intii kulanka uu socday, Wasiirka Warfaafinta iyo wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale booqday Kaydka Cajaladaha ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay ka socoto hawsha lagu casriyeynayo kaydka (digitalization).

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdullaahi Xayir Nuur; Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare; Dr. Rami Zaki Iskandar, Agaasimaha Waxbarashada ee ALECSO; Dr. Cali Cabdalla Al-Naciim, Agaasimaha Machadka Luuqadda Carabiga ee ALECSO ee magaalada Khartoum; Danjiraha Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Cabdullaahi Mudhlaq Al-Uteybah; iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha Burkina Faso, oo ka guddoomay Warqadda Aqoonsiga Danjirenimo Safiirka Soomaaliya

Danjiraha JFS ee dalka South Sudan, isla markaana ah...

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cartan oo Kuwait lagu soo dhoweeyey

Ka dib Casuumaad uu ka helay Guddoomiyaha Guddiga sare...

Trump oo sheegay Weerarka Iiraan ee markabka xamuulka inu yahay  xadgudub ka dhan ah heshiiska joojinta dagaalka

Isagoo ka hadlayay weerarkii Jimcihii lagu qaaday markab xamuul...

kulamo muhiim ah kula yeeshay madaxda Dowlad-goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles