Booliska Soomaaliya oo qabtay askari ku eedeysan dhac iyo dhaawac

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Garasbaaley, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Dable (XDS) Ibraahim Xasan Nuur Cabdi, kaas oo ku eedeysan inuu dhac iyo dhaawac u geystay muwaadin Soomaaliyeed, kaddib markii uu rasaas ku furay xilligii uu falkaasi socday.

War ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in eedeysanaha hadda lagu hayo xabsiga Booliska, islamarkaana loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo.

Booliska Soomaaliyeed ayaa bulshada ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, ayna soo sheegaan cid kasta oo ku hawlan falal burcadnimo ama khalkhal ku ah xasilloonida magaalada.

Ciidamada amniga ayaa maalmihii ugu dambeeyay howlgallo ka wada magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha burcadda hubeysan ee dhaca iyo boobka u geysta shacabka.

Sida laga soo xigtay saraakiisha, inta badan dadka gacanta lagu soo dhigo ayaa ah ciidan hubeysan oo ka dhex hawlgala magaalada, kuwaas oo shacabka ka dhaca taleefoonada iyo hanti kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles