Sunday, June 28, 2026

Golaha wasiirada oo ansixiyay magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aaddan in Maxamed Maxamuud Cabdulle uu noqdo Xisaabiyaha Guud ee dowladda , kaas oo leh khibrad la xiriirta Maamulka Maaliyadda iyo hannaanka xisaabaadka guud.

Kulanka golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Istiraatiijiyadda Qaran ee kahor tagga qaraxyada macmalka ah iyo heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan wada-tashiyo siyaasadeed, oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Tajakistan.

Golaha Wasiirrada, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diiwaangelinta dadweynaha ee Aqoonsiga Qaranka iyo latashiyada dhamaystirka dastuurka ee qeybaha bulshada.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheree) ayaa loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xilkaasi laga qaaday C/raxmaan Maxamed Anas oo ka mid ahaa saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo xilkan qabtay bishii April 2023.

Maxamed Dheere ayey magacaabistiisa ku timid cadaadis Madaxweynaha ka heystay Beesha uu kasoo jeedo, kadib markii xilka laga qaaday Agaasimihii NISA C/llaahi Sanbaloolshe.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xero ay leeyihiin kurdiyiinta Ciraaq oo la duqeeyay

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka...

Nin Mareykanka ku eedeeyay Musuq-maasuq oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Cabdikariim...

DFS oo Sheegtay in Duqeymo lagu dilay  Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka...

Booliska Soomaaliya oo Xoojiyay Howlgallada Ka Dhanka ah Faafinta Anshax-xumada

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howlgallada lagu...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles