Xisaabiyihii Dowladda Soomaaliya oo caddeeyay inuu isagu xilka iska casilay

Xisaabiyihii Dowladda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Annas, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu isagu xilka iska casilay, isagoo xusay in go’aankaasi yahay mid gaar u ahaa.

C/raxmaan Annas ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Waxaan si gaar ah u caddeynayaa in go’aanka aan xilka kaga tagay uu yahay mid aniga ii gaar ah, islamarkaana aan u gudbiyey Madaxweynaha 31-kii August 2025, si aan u siiyo waqti ku filan oo lagu diyaariyo kala-guur habsami leh.”

Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kalsoonidii uu siiyay muddadii uu xilka hayay, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in sababaha uu xilka uga tagay ay yihiin arrimo isaga u gaar ah.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shir ku yeeshay Muqdisho ayaa si rasmi ah xilka uga qaaday C/raxmaan Maxamed Annas, waxaana bedelkiisa loo magacaabay Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere).

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles