MW Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo lagu dhex dhexaadinayo Kismaayo iyo Dalal Shisheeye oo kaalin ku leh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu kulan fool-ka-fool ah kula yeelan doono Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wadahadalladan ayaa kusoo aadaya xaalad siyaasadeed oo kacsan, kadib markii horey maxkamadda gobolka Banaadir ay soo saartay amar soo qabasho ah oo ka dhan ah Axmed Madoobe, halka Golaha Wasiirrada dowladda federaalka ahna ay horey u soo saareen qaraar adag oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu salka ku hayaa waanwaan culus oo ay wadeen dalalka Kenya, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, iyadoo dowladda Kenya ay hoggaamineyso dadaalladaas, waxaana hogaaminaya madaxa sirdoonka Kenya, Nuuradiin Yuusuf Xaaji.

Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, kuwaas oo ka kooban saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya. Waxaa sidoo kale magaalada soo gaaray saraakiil iyo wakiillo ka socda sirdoonnada Kenya iyo Itoobiya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta kulan kula yeeshay odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee taageera, isagoo u sheegay in wadahadalkan uu yahay mid “culeys dibadeed lagu keenay”, isla markaana aanu ka imaan rabitaan dhexdiisa ah ama mid Villa Soomaaliya ah, balse uu yahay cadaadis ay saareen dalalka deriska ah.

Kismaayo ayaa haatan laga dareemayaa diyaar garow weyn oo loogu jiro soo dhoweynta Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay dowladda federaalka si rasmi ah uga hadasho eedihii lagu soo oogay Axmed Madoobe iyo suuragalnimada in laga noqdo amaradii hore.

Wadahadalka Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu noqdo mid adag oo tanaasul badan u baahan, iyadoo dowladda Kenya ay door muuqda ku yeelan doonto gogosha heshiisiinta labada dhinac.

Ajendayaasha rasmiga ah ee wadahadalka weli lama shaacin, balse ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in natiijada kulankan ay saamayn weyn ku yeelan doonto mustaqbalka xiriirka u dhexeeya Jubbaland iyo Villa Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles