Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga ay maamusho Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ee magaalada Muqdisho, maalintii Sabtida.
Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa sheegay in weerarkaasi uu markale caddeynayo ujeedada kaliya ee Al-Shabaab oo ah “in ay carqaladeeyaan nabadda iyo xasilloonida caasimadda iyo nawaaxigeeda, iyagoo doonaya inay shacabka ka hor istaagaan nabadda iyo amniga ay u baahan yihiin.”
Danjiraha ayaa intaa ku daray in weerarka uu mar kale muujinayo “aragti darrada iyo naxariis la’aanta kooxda Al-Shabaab ee nolosha bini’aadamka, iyo isku daygooda ay ku doonayaan inay dib u soo celiyaan xilliyadii mugdiga ahaa ee la soo dhaafay.”
“AUSSOM ayaa ammaanay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF) sida ay degdegga ugu jawaabeen, una fashiliyeen weerarka iyadoo ay ku guuleysteen in ay yareeyaan khasaaraha ka dhashay falkaas foosha xun. Sidoo kale howlgalka ayaa mahadcelin u jeediyay shaqlaalaha caafimaadka ee si xirfad iyo naxariis leh u daryeelay dadkii ku dhaawacmay weerarka.Danjire Diene ayaa tacsi u diray ehellada dadka ku naf waayay weerarka, wuxuuna u rajeeyay bogsasho degdeg ah kuwa dhaawacmay” ayaa lagu yiri qoraalka.



