Wednesday, April 15, 2026

Trump oo baaq u diray wafdiga Xamaas ee tagay Qaahira

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku boorriyay cid kasta oo ku lug leh dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Qasa in ay “degdeg u howlgalaan” iyadoo dhexdhexaadiyayaashu ay maanta oo Isniin ah ku kulmayaan Masar halkaasoo ay ku yeelanayaan wadahadallo nabadeed oo aan toos ahayn oo u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil.

Wadahadalladan ayaa imaanaya ka dib markii Xamaas ay oggolaatay qaybo ka mid ah 20-ka qodob ee qorshaha nabadda ee Mareykanka, oo ay ku jiraan sii deynta la haystayaasha iyo in maamulka Qasa lagu wareejiyo Falastiiniyiinta, laakiin waxay raadinayaan wada xaajood ku saabsan arrimo kale.

Jawaabta kooxdu ma xusin dalabaadka muhiimka ah ee hub ka dhigistooda iyo in aanay door mustaqbalka ah ku yeelan maamulka Qasa.

Isaga oo baraha bulshada ku qoraya in wada-hadallada guulo laga gaaray, Trump waxa uu yiri: “Waxaa la ii sheegay in wejiga koowaad la dhammeynayo toddobaadkan, waxaana qof walba ka codsanayaa in uu si degdeg ah u howlgalo”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles