Wadahadaladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo Natiijo la’aan ku soo dhammaaday

Wada-hadalladii u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee ugu socday magaalada Kismaayo ayaa waxay ku soo dhammaadeen natiijo la’aan kadib laba maalmood oo dood adag ah.

Labada dhinac ayaa isku mari waayay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin doorashadii Jubbaland ee November 2024 iyo ka qaybgalka Axmed Madoobe ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in dib loogu noqdo doorashadii Jubbaland, halka Axmed Madoobe uu si adag u diiday, isagoo sheegay in doorashadaasi ahayd mid sharci ah oo ay shacabka Jubbaland doorteen.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ay hadda ku wajahan yihiin magaalada Muqdisho, halka Nuuradiin Agaasimihii Sirdoonka Kenya, oo doorka dhexdhexaadinta ku lahaa kulanka, isna uu ka dhoofayo Kismaayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay ku balameen inay wadahadaladu sii socdaan oo markale ay is arkaan dhinacyada.

Xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ayaa weli cakiran, iyadoo wadahadalladan fashilmay ay sii fogeeyeen xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles