Sunday, July 26, 2026

Maraykanka oo ka fuliyay duqayn cirka ah gobolka Puntland

Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay inuu fuliyay duqayn cirka ah oo ka dhacday gobolka Puntland, taas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda ISIS ee ku sugan waqooyiga Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay meel qiyaastii 37 mayl (60 km) u jirta magaalada dekedda ah ee Boosaaso, oo ku taalla Gacanka Cadmeed.

Taliska ayaa sheegay in duqayntan lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxaha argagixisada, balse ma uusan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee dhacay.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgalada joogtada ah ee Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay ka howlgalaan kooxaha ISIS iyo Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Maraykanku uu taageero siiyo ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxaha Daacish, maadaama maamulkaas uusan helin taageero toos ah oo ka timaada dowladda Federaalka ee Muqdisho.

Tani waxay ahayd duqayntii 81-aad ee Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya sanadkan, taas oo muujineysa heerkii ugu sarreeyay ee weerarrada cirka ee uu dalka Mareykanka ka geysto Soomaaliya.

Maamulka Donald Trump ayaa jebiyay rikoodhkii hore ee duqaymaha sanadkii 2019, markaas oo la fuliyay 63 duqayn, taasoo muujineysa in sanadkan uu si weyn u kordhay cadaadiska militari ee Maraykanku saarayo kooxaha hubeysan ee ka dagaallama Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo...

Dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka tirsan  Sanaag

Dagaal beeleed ayaa maanta markale ka dhacay deegaanka Laashimo...

Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo soo bandhigtey waxqabadkeeda muddo 4 sano ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

MW Xasan Sheekh oo ku Wajahan Furimaha Dagaalka ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan...

Mareykanka oo Soomaaliya iyo Eritrea kala hadlaya Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Dowladda Mareykanka ayaa billowday wada-hadallo ay la yeelaneyso Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles