Shirka Ururka Bariga Afrika oo maanta ka furmaya Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah looga furay Shirka Ururka Bariga Afrika (EACON 2025), kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah, 7–8 Oktoobar.

Shirka waxaa si rasmi ah u furaya Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo ah mid heer sare ah ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dalalka xubnaha ka ah Ururka Bariga Afrika (EAC), ganacsato waaweyn, aqoonyahanno, madaxda shirkadaha caalamiga ah, iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkan uu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dalalka Bariga Afrika, lana filayo inuu isu keeno madaxda iyo daneeyayaasha gobolka si ay u wadaagaan aragtiyo istiraatiiji ah oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Shirka sanadkan ayaa ujeedkiisa yahay Xoojinta Iskaashiga Warshadaha Wax-soo-saarka si loogu Horumariyo Isbeddelka Dhaqaale iyo Bulsho ee Ururka Bariga Afrika.

Ujeeddada shirku waa in la xoojiyo iskaashiga gobolka, kor loo qaado koboca dhaqaalaha, lana taageero qorshaha horumarineed ee mideysan ee waddamada Bariga Afrika.

Sidoo kale, shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh kor u qaadista xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee dalalka gobolka, iyadoo la doonayo in la abuuro fursado cusub oo ganacsatada Soomaaliyeed u suurtagelinaya inay ballaariyaan suuqyadooda, isla markaana ganacsatada Bariga Afrika ay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya.

Shirka EACON 2025 ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid taariikhi ah oo xoojiya kaalinta Soomaaliya ee hoggaanka iskaashiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka Bariga Afrika.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles