Monday, July 13, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga Sweden oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, PÃ¥l Jonson, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Booqashada wasiirka Sweden ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga difaaca iyo amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sweden, iyadoo labada dal ay horey uga wada shaqeynayeen arrimo la xiriira taageerada ciidamada iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga Soomaaliya.

Inta uu joogo Muqdisho, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden waxa uu kulamo rasmi ah la yeelan doonaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ku jiro Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, amniga, iyo tababarka ciidamada.

Safarkan ayaa muujinaya sii xoogeynta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan dhinacyada nabadeynta, taageerada ciidamada qalabka sida, iyo amniga gobolka Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Kenya oo weerar sirdoon ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab,lana Burburiyay Xero qarsoodi oo ku taala Mandheera

Ugu yaraan 11 maleeshiyaad oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa...

MW Xasan Sheekh oo amar ku bixiyay in hoos loo dhigo Calanka Qaranka Kadib Geerida Amiirkii Hore ee Qatar

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga Qaybgalo Aaska Amiirkii Hore ee Dalkaas

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan dalka...

Puntland oo qorsheynaysa Furista Suuqyada Boosaaso iyo Ganacsatada oo diidan bixinta Canshuurta Cusub

Xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ayaa weli taagan, iyadoo...

Kulamo Siyaasadeed oo Ka socda Muqdisho Kahor Wadahadalka DF iyo Mucaaradka ee 20-ka July

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wareegga labaad...

DF oo sheegtay in la dilay horjooge halis ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo duqeyn lagu beegsaday

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles