NISA oo sheegtay in ay duqeyn ka fulisay Shabeelada Dhexe

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday Gobolka Shabeelada Dhexe lagu dilay Horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay Toddobo xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii si toos ah loo bartilmaameedsaday goobtii ay ku dhuumaaleysanayeen.”Ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka NISA ayaa lagu yiri “Howlgalka ayaa la qaaday markii la helay xog Sirdoon oo xaqiijisay in Khawaarijtu ay qorsheynayeen falal amniga lagu carqaladeynayo oo ay ka sameenayaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad. Maleeshiyaad tiro ahaan gaarayay 40 xubnood ayaa lagu diyaarinayay goobta weerarka laga fuliyay, waxaana howlgalka lagu burburiyay teendhadii ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen.”

Bayaanka ayay ku sheegtay “Howlgalkan ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, iyada oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ay si buuxda uga hortageen qorshihii Khawaarijtu ay ku doonayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso. Inta uu howlgalka socday ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.”

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles