Thursday, February 26, 2026

Shirka Ururka Bariga Afrika oo maanta ka furmaya Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah looga furay Shirka Ururka Bariga Afrika (EACON 2025), kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah, 7–8 Oktoobar.

Shirka waxaa si rasmi ah u furaya Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo ah mid heer sare ah ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dalalka xubnaha ka ah Ururka Bariga Afrika (EAC), ganacsato waaweyn, aqoonyahanno, madaxda shirkadaha caalamiga ah, iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkan uu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dalalka Bariga Afrika, lana filayo inuu isu keeno madaxda iyo daneeyayaasha gobolka si ay u wadaagaan aragtiyo istiraatiiji ah oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Shirka sanadkan ayaa ujeedkiisa yahay Xoojinta Iskaashiga Warshadaha Wax-soo-saarka si loogu Horumariyo Isbeddelka Dhaqaale iyo Bulsho ee Ururka Bariga Afrika.

Ujeeddada shirku waa in la xoojiyo iskaashiga gobolka, kor loo qaado koboca dhaqaalaha, lana taageero qorshaha horumarineed ee mideysan ee waddamada Bariga Afrika.

Sidoo kale, shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh kor u qaadista xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee dalalka gobolka, iyadoo la doonayo in la abuuro fursado cusub oo ganacsatada Soomaaliyeed u suurtagelinaya inay ballaariyaan suuqyadooda, isla markaana ganacsatada Bariga Afrika ay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya.

Shirka EACON 2025 ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid taariikhi ah oo xoojiya kaalinta Soomaaliya ee hoggaanka iskaashiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka Bariga Afrika.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo la kulmay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee G/Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan...

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta guddoomiyay...

Baarlamaanka oo dhameystiray dooda wax ka badelka Dastuurka

Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Madaxweyne Geelle oo Cambaareeyay Saldhigga Israa’iil ee Berbera

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal uu dhawaan...

Israa’iil oo aqbashay in Safiirka ay Somaliland u magacowday dalkeeda

Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay inay aqbashay in Dr. Maxamed...

DFS oo bilowday baaris ku aadan gabar laga keenay Laascaanood oo loo dhoofin rabay Liibiya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles