Xuutiyiinta Yemen oo xiray shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sagaal xubnood oo dheeraad ah oo ka tirsan shaqaalaheeda si aan sabab loo sheegin ay u xireen maamulka Xuutiyiinta ee Yemen — taasoo tirada guud ee la xiray ka dhigaysa 53. Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in xariggan uu carqaladeynayo awoodda QM ay u leedahay inay gaarsiiso gargaar muhiim ah gudaha Yemen.

Mas’uuliyiinta Xuutiyiinta ayaa dhankooda sheegay in xasaanadda sharci ee ay leeyihiin shaqaalaha QM aysan difaac u noqon karin waxa ay ugu yeereen “howlo basaasnimo.”

Yemen ayaa tan iyo markii Xuutiyiintu la wareegeen caasimadda Sanca sanadkii 2014, waxaa ay u kala qaybsan tahay maamul ay Xuutiyiintu ka taliyaan oo fadhigiisu yahay Sanca, iyo dowlad uu Sacuudigu taageero oo xarunteedu tahay magaalada Cadan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta...

Aadan Madoobe oo la shiray Ciidamada Itoobiya

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddoomiye Jaamac oo war ka soo saaray halista Kooxaha Burcad badeeda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan...

Turkiga oo beeniyey in xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada...

Weriye Boqorka Bartamaha oo lagu dilay Jarmalka

Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday ruugcaddaa saxaafadeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles