Aqalka Sare oo dood adag ka yeelanaya xal u helida khilaafka DFS iyo dowlad goboleedyada

Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya khilaafka siyaasadeed ee xoogan ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Dooddan ayaa ku saabsan kaalinta Aqalka Sare ee xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, iyadoo lagu saleeyay warbixin rasmi ah oo horyaalla golaha.

Senataro ka tirsan Aqalka Sare, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Puntland iyo Jubbaland, ayaa marar badan dowladda Federaalka ku eedeeyay faragelin iyo qorshe lagu wiiqayo maamulada ay matalaan.

Doodda maanta ayaa ku soo beegantay iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso dhismaha maamul cusub oo ka hanaqaada gobolka Gedo — arrin uu maamulka Jubbaland si adag uga soo horjeedo.

Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa digniin ka bixiyay tallaabo kasta oo lagu dhisayo maamul ka dhan ah Jubbaland, isagoo ku tilmaamay mid dhaawacaya wada shaqeynta federaalka.

Khilaafka sii kordhaya ayaa la sheegay inuu wiiqay dadaallada dowladnimada iyo qorshayaasha horumarineed ee dalka, xilli Soomaaliya ay wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles