Tuesday, April 14, 2026

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ay maanta horgeysay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaliga ayaa  Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS uga mahadcelisay sida sharafta leh ee ay maanta u ansixiyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

” Ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka waa guul weyn oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waana taariikh mug leh oo ay Soomaaliya qortay maanta” ayey tiri wasiirka qoyska.

Dhaarinta iyo ansxinta Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo guushii dhowaan ay Soomaaliya ka soo gaartay shirkii Xuquuqul Insaanka QM ee magaalada Geneva waxa ay qeyb ka yihiin guullaha isdaba joogga ah ee ay Xukuumadda Dan Qaran ka gaartay fagaarayaasha caalamka iyo dhismaha hay’adaha Dowliga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles