Soomaaliya oo markii ugu horreysay kursi ka helaysa Baarlamaanka Bariga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah kadib markii si rasmi ah loo xaqiijiyay in dalka uu markii ugu horreysay ku biirayo Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika (EALA). Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu doonayo in Soomaaliya si buuxda uga mid noqoto ururkan muhiimka ah ee gobolka.

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi gaar ah oo loo xil saaray diyaarinta iyo xulista xubnaha matali doona Soomaaliya ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Guddigan oo uu Guddoomiye ka yahay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa waxaa Guddoomiye ku-xigeen u ah Senatar Zamzam Ibraahim Cali, halka xubnaha kale ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), Senatar Iftiin Xasan Iimaan (Baasto), iyo Xildhibaan Guuleed Bihi Cabdi.

Guddigan ayaa lagu amray inay si degdeg ah u bilaabaan shaqadooda, islamarkaana ay soo diyaariyaan liiska musharixiinta u tartamaya xubinnimada Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika. Liiska musharixiinta buuxiya shuruudaha ayaa markaas lagu wareejin doonaa Golaha Baarlamaanka Federaalka, si loo dhammeystiro waajibaadka doorashada xubnaha matalaya Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa ballanqaadday in ay fududeyn doonto dhammaan hawlaha iyo agabka ay guddigu u baahan yihiin, si geeddi-socodkaasi ugu qabsoomo waqtigiisa.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo xoojineysa matalaadda siyaasadeed ee Soomaaliya ee gobolka Bariga Afrika, waxayna muujineysaa sida uu dalka ugu socdo jihada iskaashiga, isdhexgalka iyo horumarinta xiriirka goboleed.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegay in ka mid noqoshada Baarlamaanka EALA ay Soomaaliya siin doonto cod muuqda iyo miisaan siyaasadeed oo muhiim u ah difaaca danaha dalka iyo horumarinta xiriirka dhaqaale, amni iyo ganacsi ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles