Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay haddii Xamaas aysan hubkeeda dhigin uu Mareykanka hubka ka dhigi doono kooxda,weliba sida ugu dhaqsiyaha badan laga yaabana qaab rabshadeysan.
Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in Xamaas ay u sheegeen inay hubka dhigi doonaan, taas oo qeyb ka ah heshiiskiisa xabad joojinta, isaga oo ku adkeysanaya inay taasi dhici doonto.
Hadalladiisa waxaa taageeray raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo wareysi uu siiyay CBS news ku sheegay, inay aad u caddahay in marxaladda xigta ee qorshaha nabadda Gaza ay tahay in laga dhigo Gaza goob aan ciidamo lahayn oo hubka laga dhigo Xamaas.
Wuxuu sheegay inuu rajeynayo in taasi si nabad ah loo sameyn karo laakiin ay tahay in ay hubiyaan inaysan jirin warshado hub ah gudaha Gaza, iyo in aan hub la so gelin Falastiin.
Xamaas ayaa wareejisay afar meyd oo kale oo lahaystayaasha Israa’iil ah, sida ay xaqiijiyeen milaytariga Israa’iil.
Maanta oo Arbaca ahna, waxaa la filayaa afar meyd oo kale in la soo wareejiyo.