Friday, June 26, 2026

Duqa Muqdisho oo maanta furay waddooyin xirnaa muddo dheer

Waxaa maanta si rasmi ah dib loogu furay saddex waddo oo muhiim ah oo u xirnaa sababo amni dartood. Mashruucan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee dowladda hoose ee lagu fududeynayo isu-socodka bulshada iyo gaadiidka caasimadda.

Waddooyinkan maanta dib loo furay ayaa kala ah; Waddada ka baxda Barta Hubinta Garoonka Aadan Cadde ee KM4, ee tagta xaafadda Tiitiinley ee degmada Wadajir, Waddada ka baxda isla jagboyntigaas ee marta buundada Waaberi, Iyo Waddada Beexaani, oo xiriirisa Isgoyska Sanca iyo Istaadiyaha Injineer Yariisow.

Munaasabadda dib-u-furitaanka seddexda waddo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Gobolka Banaadir, Liibaan Aadan, Taliyaha qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macalin Mahdi, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Dr. Xasan Muungaab, ayaa sheegay in mashruuca dib-u-furitaanka waddooyinkan uu yahay qorshe qeexaya soo noqoshada kalsoonida iyo xasiloonida magaalada Muqdisho, isla markaana uu qayb ka yahay barnaamijka Dowladda Hoose ee lagu dardargelinayo isu-socodka shacabka iyo kobcinta dhaqaalaha magaalada.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabooyinkan ay astaan u yihiin guusha shacabka iyo ciidamada amniga ee dalka, kuwaas oo si geesinimo leh u xaqiijiyay in Muqdisho ay si tartiib ah uga xoroowdo isku-dayada kooxaha Khawaarijta ee doonaya inay carqaladeeyaan nolosha bulshada.

Mashruuca dib-u-furista waddooyinka ayaa yoolkiisu yahay in uu fuliyo dib-u-furista 52 waddo, si loo yareeyo ciriiriga gaadiidka, loo fududeeyo adeegyada bulshada, loona kobciyo dhaqaalaha magaalada. Waxaana horey loo furay waddada dhabarka dambe ka marta xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku celiyay ballanqaadkiisa ah in uu si dhow ula shaqeyn doono hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka si loo xaqiijiyo in caasimadda Muqdisho ay noqoto meel ammaan ah oo nadiif ah oo ay muwaadiniinteeda ku naalloodaan bilic iyo baraare.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyre”Xasan Sheekh ayaa amray xarigga iyo Xukunka Sacdiyo Bajaaj”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Maxkamadda G/Banaadir oo 3 Sano oo Xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun saddex sano oo...

Xasan Sheekh oo lagu Cadaadinayo inuu soo Bandhigo heshiiskii doorashooyinka Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu...

Pakistan oo Wafdi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya si loo sii daayo Muwaadiniin la Haysto

Dowladda Pakistan ayaa wafdi diblomaasiyadeed ka soo dirtay dalka...

RW Xamse iyo Qoorqoor oo la Filayo inay shaaciyaan heshiis ku saabsan Doorashada Galmudug

R/Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles