Booliska Kenya oo toogtay seddex qof

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay dalka Kenya kadib markii ciidamada booliska ay rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen garoon ay ku sugnaayeen dad badan oo baroor diiqayay si ay u daawadaan meydka raysal wasaarihii hore ee dalka Kenya, Raila Odinga.

Kooxda caanka ah ee xuquuqda aadanaha u dooda ee Vocal Africa, ayaa BBC u sheegtay in saddex meyd oo ka mid ah dadkii lagu dilay qalalaasaha la geeyay xarunta ugu weyn ee lagu keydiyo meydadka magaalada.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramay in qof afraad uu sidoo kale dhintay, iyada oo saraakiisha ay doonayeen in ay kala eryaan dadka isku soo baxayay.

Ilaa hadda ma cadda in boolisku ay rasaas nool nool ama xabbado caag ah u adeegsadeen fagaaraha ay dadka ku sugnaayeen, oo ku yaalla caasimadda Nairobi. Vocal Africa ayaa sheegtay in dadka dhintay ay soo gaareen dhaawacyo rasaas ah.

Odinga, oo ahaa nin aad uga dhex muuqday masraxa siyaasadda Kenya, ayaa Arbacadii ku dhintay dalka Hindiya.

Meydkiisa ayaa subaxnimadii khamiista soo gaaray gegida dayuuradaha ee ugu weyn dalkaasi, halkaasi oo mas’uuliyiinta ay ku qasbanaadeen inay muddo kooban hakiyaan duulimaadyada, sababo la xirriira dadka faraha badan ee isugu soo baxay halkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles