Thursday, June 25, 2026

Madaxda Qaranka oo lagu wado in ay tagaan Laascaanood

Magaalada Laascaanood ayaa maanta isu bedeshay xarun si weyn looga dareemayo diyaargarow siyaasadeed, amni iyo mid bulsho, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay gaaraan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre.

Labada masuul ayaa lagu wadaa inay ka qeyb-galaan munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya, C/qaadir Axmed Firdhiye, taas oo la qorsheeyay inay noqoto mid si heer qaran ah loo agaasimay.

Waddooyinka waaweyn ee Laascaanood ayaa lagu xardhay boorar iyo calamo ay ka muuqdaan sawirrada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, halka xarumaha ganacsiga iyo dawladdaba lagu arkayo shaqaale iyo dadweyne si isdaba joog ah ugu mashquulsan nadiifinta iyo bilicda magaalada.

Wararka laga helayo goobta ayaa tilmaamaya in dadka deegaanka iyo ganacsatada magaalada ay si iskood ah ugu biireen diyaarinta soo dhoweynta wafdiga Dowladda Federaalka, taas oo loo arko booqasho siyaasadeed oo calaamad u ah midnimada iyo wadajirka dalka.

Waxaa sidoo kale la diyaariyey ciidamo gaar ah oo ilaalin doona goobta munaasabadda, halka cutubyo kale la geeyay duleedka magaalada si looga hortago wax kasta oo amniga carqaladeyn kara.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in ay jiraan qorshe isku dhafan oo ay wadaan ciidamada Qaranka, kuwa Booliska iyo maamulka deegaanka, si loo hubiyo in booqashadu ku dhacdo si nabad ah.

Munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya, C/qaadir Firdhiye, ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Federaalka iyo Ra’iisul Wasaaraha ay si rasmi ah uga qeyb-galaan munaasabad ka dhaceysa gobolka Sool, tan oo muujineysa xiriir cusub oo ka dhex abuurmaya Dowladda Dhexe iyo maamulka cusub ee waqooyi-bari.

Booqashada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo arkaa mid xeel dheer oo siyaasad ah, taas oo ujeedkeedu yahay in la xoojiyo xiriirka shacabka gobolka Sool iyo Dowladda Dhexe, xilli ay dalka ka jiraan loollano siyaasadeed oo ku saabsan maamulka iyo awood qaybsiga.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa la filayaa inay noqoto mid ka mid ah dhacdooyinka ugu taariikhda weyn ee gobolka Sool sanadihii ugu dambeeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles