Xamaas oo eedeyn u jeedisay dowladda Netanyahu

Kooxda Xamaas ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay fulinta heshiiska xabbad joojinta ah ee ay la gashay Israa’iil, iyadoo muujisay sida ay uga go’an tahay dhaqangelinta heshiiskaas iyo soo celinta dhammaan meydadka lahaystayaaha Israa’iil ee weli ku sugan Qaza.

Waxay xukuumadda Netanyahu ku eedeysay inay “si buuxda mas’uul ugu tahay” dib u dhigista geeddi-socodka hanaanka soo celinta maxaabiista.

War qoraal ah oo la soo saaray gelinkii dambe ee shalay, ayaa lagu sheegay in soo celinta meydadka la haystayaasha laga yaabo in ay qaadato muddo,maadaama qaar ka mid ah meydadkan ay ku aasan yihiin godad dhulka hoostiisa ah la burburiyay, halka qaar kalena ay weli ku hoos jiraan burburka dhismayaal la duqeeyay oo la burburiyay.

Xamaas ayaa ku celisay eedeynta ah in ciidamada Israa’iil ay mas’uul ka yihiin dhimashada la haystayaasha iyo in lagu aaso burburka hoostiisa, waxayna ku nuuxnuuxsatay in soo saarista maydadka haray ay u baahan tahay qalab lagu nadiifiyo haraadiga burburka o hadda aan la heli Karin, Israa’iilna ay mamnuucday in ay qalabkaas la soo geliyo marinka.

Waxay intaa ku dartay in hadalada Netanyahu iyo hanjabaada ah in dib loo dhigo furitaanka isgoyska Rafah iyo in la dhimo gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo “ay ka tarjumayso habka dawladiisa faashiistaha ah ee lagu ciqaabayo dadkayaga Gaza iyo wax ka qabashada xaaladda bini’aadanimo si loo gaaro guulo siyaasadeed”.

Dhanka kale, ilo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa Khamiistii sheegay in Ankara ay ka qayb qaadan doonto raadinta meydadka la haystayaasha ee ku hoos jira burburka dhismayaasha Marinka Gaza iyada oo u diraysa koox takhasus leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles