Booliska Kenya oo toogtay seddex qof

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay dalka Kenya kadib markii ciidamada booliska ay rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen garoon ay ku sugnaayeen dad badan oo baroor diiqayay si ay u daawadaan meydka raysal wasaarihii hore ee dalka Kenya, Raila Odinga.

Kooxda caanka ah ee xuquuqda aadanaha u dooda ee Vocal Africa, ayaa BBC u sheegtay in saddex meyd oo ka mid ah dadkii lagu dilay qalalaasaha la geeyay xarunta ugu weyn ee lagu keydiyo meydadka magaalada.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramay in qof afraad uu sidoo kale dhintay, iyada oo saraakiisha ay doonayeen in ay kala eryaan dadka isku soo baxayay.

Ilaa hadda ma cadda in boolisku ay rasaas nool nool ama xabbado caag ah u adeegsadeen fagaaraha ay dadka ku sugnaayeen, oo ku yaalla caasimadda Nairobi. Vocal Africa ayaa sheegtay in dadka dhintay ay soo gaareen dhaawacyo rasaas ah.

Odinga, oo ahaa nin aad uga dhex muuqday masraxa siyaasadda Kenya, ayaa Arbacadii ku dhintay dalka Hindiya.

Meydkiisa ayaa subaxnimadii khamiista soo gaaray gegida dayuuradaha ee ugu weyn dalkaasi, halkaasi oo mas’uuliyiinta ay ku qasbanaadeen inay muddo kooban hakiyaan duulimaadyada, sababo la xirriira dadka faraha badan ee isugu soo baxay halkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles