Golaha wasiirada hirshabelle oo kulan kooda diirada ku saaray amniga mashaaricada dhismayasha wadooyinka

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Guudlawe Xuseen ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Ugu horreyn Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa ka warbixyey xaaladdaha ammaanka ee Dowladda Hirshabeelle.

Golaha ayaa boogaadiyey xaq-u-diriirka deegaanka Gobalka Hiiraan oo soo af-jaray nolosha dilaaga Cali Qoyane oo horay xukunsane u ahaa kaddib markii uu haween, carruur iyo waayeel uu nolosha ku gubay.

Wasiirrada Beeraha iyo Howlaha Guud ayaa Golaha uga waramay mashaariicda kala ah Biyo-xireenka Sabuun (JOSP) iyo dhismayaasha waddooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo dhammantood ay socdaan dardargelinta lagu dhammeystiri lahaa.

Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyey Xeerka Mihnadlayaasha Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka.

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu dhaariyey Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru-Dowlayaasha Dastuurka, Tamarta iyo Kaluumeysiga.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Golaha Wasiirrada in dhammaan howlaha hor-tebinta leh in la dhaqaajiyo.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles