Golaha wasiirada hirshabelle oo kulan kooda diirada ku saaray amniga mashaaricada dhismayasha wadooyinka

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Guudlawe Xuseen ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Ugu horreyn Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa ka warbixyey xaaladdaha ammaanka ee Dowladda Hirshabeelle.

Golaha ayaa boogaadiyey xaq-u-diriirka deegaanka Gobalka Hiiraan oo soo af-jaray nolosha dilaaga Cali Qoyane oo horay xukunsane u ahaa kaddib markii uu haween, carruur iyo waayeel uu nolosha ku gubay.

Wasiirrada Beeraha iyo Howlaha Guud ayaa Golaha uga waramay mashaariicda kala ah Biyo-xireenka Sabuun (JOSP) iyo dhismayaasha waddooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo dhammantood ay socdaan dardargelinta lagu dhammeystiri lahaa.

Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyey Xeerka Mihnadlayaasha Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka.

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu dhaariyey Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru-Dowlayaasha Dastuurka, Tamarta iyo Kaluumeysiga.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Golaha Wasiirrada in dhammaan howlaha hor-tebinta leh in la dhaqaajiyo.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles