Sheekh Shariif iyo Kheyre oo ugu digay madaxda DF xariga iyo tacadiyada sii kordhaya ee ka socda Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ku cambaareeyay xarig iyo tacaddiyo sii kordhaya oo ka socda magaalada Muqdisho, isagoo tusaale u soo qaatay dhacdadii ugu dambeysay ee xalay lagu afduubtay Samsam Cumar Cali oo ka mid ah haweenka suuqa Siinaay.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in afduubkaasi uu muujinayo sida madaxda Dowladda Federaalka ah ay ugu tumanayaan sharciga iyo nidaamka dowliga ah, isla markaana uu yahay fal foosha xun oo aan loo dulqaadan karin.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale tilmaamay in falalkaasi ay ku soo beegmayaan iyadoo ciidanka Booliska ay sii wadaan barakicinta bulshada caasimadda, gaar ahaan qoysaska danyarta ah ee ku nool xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan, halkaas oo la sheegay in lagu hayo xarig, jirdil iyo xoog isticmaal.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay madaxda xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u joojiyaan gabood-fallada ka dhanka ah shacabka caasimadda, gaar ahaan barakicinta hubeysan ee lagu hayo dadka danyarta ah, isagoo uga digay in ficilladaas gurracan ay keeni karaan cawaaqib xumo culus oo dhaawici karta xasilloonida iyo nidaamka dowladnimada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isaguna si adag u cambaareeyay xarigga sharcidarrada ah ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kula kacday hooyo Zamzam Cumar Cali oo ay horay uga barakicisay xaafadda Siinaay.

Kheyre ayaa sheegay in Zamzam Cumar ay horey dhibbane uga ahayd argagaxisada oo dishay hooyadeed, aabbaheed, iyo saygeedii, balse ay nasiib darro tahay in maanta ay dhibbane u noqoto dowladda oo ahayd in ay daryeesho, halkii ay ka barakicisay hoygii ay agoonta ku korsanaysay, islamarkaana ay caawa ku jirto xabsi ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku amartay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale xusay in dowladda ay horay u qasabtay Zamzam Cumar in ay ka saarto meydkii hooyadeed ee ku aasnaa qubuuraha Afisyooni, taas oo uu ku tilmaamay fal bani’aadamnimo ka baxsan.

Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo hooyo Zamzam Cumar Cali, oo duruufo adag ku korinaysa carruur agoon ah, isla markaana uu ka joogsado xarigga hooyooyinka, barakicinta danyarta, iyo boobka dhulka danta guud, kuwaas oo uu ku tilmaamay falal cuuryaaminaya horumarka dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles