Sheekh Shariif iyo Kheyre oo ugu digay madaxda DF xariga iyo tacadiyada sii kordhaya ee ka socda Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ku cambaareeyay xarig iyo tacaddiyo sii kordhaya oo ka socda magaalada Muqdisho, isagoo tusaale u soo qaatay dhacdadii ugu dambeysay ee xalay lagu afduubtay Samsam Cumar Cali oo ka mid ah haweenka suuqa Siinaay.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in afduubkaasi uu muujinayo sida madaxda Dowladda Federaalka ah ay ugu tumanayaan sharciga iyo nidaamka dowliga ah, isla markaana uu yahay fal foosha xun oo aan loo dulqaadan karin.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale tilmaamay in falalkaasi ay ku soo beegmayaan iyadoo ciidanka Booliska ay sii wadaan barakicinta bulshada caasimadda, gaar ahaan qoysaska danyarta ah ee ku nool xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan, halkaas oo la sheegay in lagu hayo xarig, jirdil iyo xoog isticmaal.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay madaxda xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u joojiyaan gabood-fallada ka dhanka ah shacabka caasimadda, gaar ahaan barakicinta hubeysan ee lagu hayo dadka danyarta ah, isagoo uga digay in ficilladaas gurracan ay keeni karaan cawaaqib xumo culus oo dhaawici karta xasilloonida iyo nidaamka dowladnimada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isaguna si adag u cambaareeyay xarigga sharcidarrada ah ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kula kacday hooyo Zamzam Cumar Cali oo ay horay uga barakicisay xaafadda Siinaay.

Kheyre ayaa sheegay in Zamzam Cumar ay horey dhibbane uga ahayd argagaxisada oo dishay hooyadeed, aabbaheed, iyo saygeedii, balse ay nasiib darro tahay in maanta ay dhibbane u noqoto dowladda oo ahayd in ay daryeesho, halkii ay ka barakicisay hoygii ay agoonta ku korsanaysay, islamarkaana ay caawa ku jirto xabsi ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku amartay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale xusay in dowladda ay horay u qasabtay Zamzam Cumar in ay ka saarto meydkii hooyadeed ee ku aasnaa qubuuraha Afisyooni, taas oo uu ku tilmaamay fal bani’aadamnimo ka baxsan.

Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo hooyo Zamzam Cumar Cali, oo duruufo adag ku korinaysa carruur agoon ah, isla markaana uu ka joogsado xarigga hooyooyinka, barakicinta danyarta, iyo boobka dhulka danta guud, kuwaas oo uu ku tilmaamay falal cuuryaaminaya horumarka dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles