Golaha Shacabka oo Ansixiyey Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).

Codka la qaaday ayaa waxaa ogolaaday 145 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, mana jirin cid ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ansixinta heshiiskan ay Soomaaliya u fureyso fursado dhaqaale iyo ganacsi oo ballaaran, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo dalka ku biirinaysa suuq ganacsi oo mideysan oo ay ka mid yihiin dalalka Afrika.

Dhanka kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa fariin adag u diray xildhibaannada iyo wasiirrada aan kasoo qaybgelin kulamada Golaha, isagoo yiri:

“Waxaa jiro wasiiro iyo xildhibaanno Muqdisho ku sugan oo aan soo xaadirin kulamada Baarlamaanka, taasina ma aqbaleyno. Waajib baa idin saaran inaad ka qeyb gashaan shaqada qaranka.”

Guddoomiyaha ayaa ku booriyay dhammaan xubnaha Golaha in ay muujiyaan xilkasnimo iyo mas’uuliyad qaran, si loo dardar geliyo hawlaha sharci dejinta ee horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles