Madaxweynaha hirshabelle oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii gobolka hiiraan

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu xilka uga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye, waxa uuna Cali Guudlaawe xilkaasi u magacaabay guddoomiye cusub.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Hirshabelle , ayaa loogu magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed (Carab) in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, lamana sheegin sababta xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Hirshabelle iyo kuxigeenkiisa uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday, waxaana khilaafka masuuliyiintan uu noqday mid marar badan lagu guul dareestay in xal loo helo.

Guddoomiyaasha gobolka Hiiraan loo magacaabo ayaa marar badan is beddel lagu sameeyaa, waxaana inta badan is beddel keena khilaaf siyaasadeed iyo mid maaliyadeed oo soo kala dhax gala Madaxda sare ee maamulka Hirshabelle iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles