Imaaraadka Carabta oo lagu dhaliilay taageeridda kooxaha hubeysan ee Soomaaliya iyo Suudaan

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay warbixin culus oo lagu eedeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) in ay jebisay xayiraadda hubka ee saaran dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Liibiya, kadib markii la ogaaday in qalab ciidan iyo gaadiid dagaal oo Imaaraadku iibsatay ay ku soo baxeen gudaha Soomaaliya.

Warbixinta, oo ay arkeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa muujisay in hub iyo gaadiid milatari oo lagu sameeyay UK oo markii hore loo iibiyay Imaaraadka, lagu arkay gacanta kooxo hubeysan oo ka howlgalaya Soomaaliya iyo Liibiya.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in Imaaraadku qayb weyn ka yahay shabakado ganacsi oo si qarsoodi ah u kala gudbiya hubka, kuwaas oo marar badan lagu arkay gaadiidka dagaalka ee nooca Nimr Ajban — oo ay soo saartay shirkad Imaaraad ah — kuwaas oo la xaqiijiyay in lagu isticmaalay dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cunaqabateyn hub.

Khabiirada Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid khatar ku ah xasilloonida Bariga Afrika iyo Saaxil, iyagoo xusay in ay sare u qaadayso halista hub sharci darro ah uu ku faafo gudaha Soomaaliya dal ay weli ka jirto amni darro iyo ganacsi hub oo aan la xakameyn.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Imaaraadku uu sidoo kale hub British ah u gudbiyay kooxda RSF ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda Sudan, arrin keentay su’aalo cusub oo ku saabsan doorka Imaaraadka ee dagaallada gobolka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag u beenisay eedeymaha, balse dalal reer galbeed ah ayaa hadda ku cadaadinaya in la joojiyo dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maadaama uu suuragal yahay in hubkaasi dib loogu adeegsado dagaallo ka socda dalalka ay cunaqabateyntu saaran tahay, sida Sudan iyo Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles