Maaraayaha Hay’adda NIRA oo ka jawaabay cabasho ka soo yeertay Shacabka

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya ayaa ka hadlay tabasho ay muujiyeen qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay sawirro iyo muuqaallo muujinaya dad Soomaaliyeed oo xilli dambe saf ugu jira xarumaha hay’adda si ay u helaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Maareeyaha, oo qoraal ku daabacay bartiisa rasmiga ah ee Facebook, ayaa shacabka ku xusuusiyay habraacyada rasmiga ah ee lagu helo kaarka aqoonsiga, isaga oo sidoo kale faahfaahiyay tallaabooyinka ay hay’addu qaaday si loo yareeyo culayska iyo safafka dhaadheer ee xarumaha hortooda.

“Waxaan arkay muuqaal muujinaya hooyooyin Soomaaliyeed oo xilli habeennimo ah hor fadhiya mid ka mid ah xarumaha NIRA ee Gobolka Banaadir. Sidaasi awgeed, waxaan rabaa inaan bayaamiyo dhowr qodob,” ayuu yiri Maareeyaha.

Ugu horreyn, waxa uu xusay in ay ka xun yihiin in muwaadiniintu xilli aan habboonayn saf ugu jiraan xarumaha NIRA, isagoo tilmaamay in hay’addu ay dadaalka laba-jibbaartay si kor loogu qaado adeeg bixinta. Wuxuu sheegay in hadda maalintii loo adeego ku dhowaad 20,000 oo qof, taas oo muujinaysa horumar ballaaran oo la gaaray.

Isagoo ka jawaabaya cabashada shacabka, Maareeyaha ayaa intaa ku daray in hay’addu go’aansatay in xarumo gaar ah laga dhigo kuwo habeen iyo maalinba shaqeeya, si muwaadiniinta si fudud u helaan adeega diiwaangelinta. “Xarumaha hadda shaqeeya laga bilaabo 5:00 galabnimo ilaa 12:00 habeenimo waxaa ka mid ah xarumaha NIRA ee Hodan iyo Boondheere,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Maareeyaha ayaa shacabka xusuusiyay in xarumaha NIRA ay subax kasta furmaan 7:00da aroornimo, sidaas darteedna aanay jirin faa’iido ay leedahay in la yimaado xarunta ka hor waqtigaas.

Ugu dambayntii, wuxuu sheegay in Hay’addu ay si buuxda uga go’an tahay diiwaangelinta dhammaan shacabka Soomaaliyeed, iyada oo la tixgelinayo duruufahooda kala duwan. Wuxuu ku adkeeyay in adeegga Aqoonsiga Qaranka uu weli yahay mid lacag la’aan ah, islamarkaana uu shacabka ugu baaqay dulqaad, nidaam-raac iyo in la ixtiraamo habraacyada rasmiga ah ee ay dejisay NIRA.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles