RW Xamsa”Jidka Buulo-xuubeey oo leh taariikh dheer, waxa uu kamid yahay waddooyinka ugu mudan caasimadda”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay laamiga dheer ee degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadda Buulo-xuubeey, oo gaaraya ku dhawaad 2-KM, ayaa sheegay in dhismaha wadddadani ay abuuri doonto fursado shaqo iyo ganacsi, isla markaana ay kor u qaadayso bilicda iyo horumarka ka jira caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dhismaha waddooyinka caasimadda ay door weyn ka qaadanayaan, amniga, isku socodka dadka, gaadiidka iyo guud ahaan adeegyada kala duwan.

“Jidka Buulo-xuubeey oo leh taariikh dheer, waxa uu kamid yahay waddooyinka ugu mudan caasimadda, waxaanna ku yaalla xarumo fara-badan oo muhiim u ah isku-socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku bogaadiyey maamulka gobolka Banaadir dhismaha waddooyinka iyo horumarinta adegyada bulshada, ayaa faray in la dardargeliyo qorshayaasha kor loogu qaadayo bilicda, nadaafadda iyo faya-dhowrka caasimadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles