Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo Maanta Dhageysanaysa Kiiskii Dilka Hooyo iyo Saddexdeeda Gabdhood loo geystay

Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta dib u eegis ku sameyneysa kiiska, si ay u qiimeyso habraacyadii iyo caddaymaha la horgeeyay maxkamaddii hore, iyadoo dhinacyada dacwadda la siiyay fursad ay ku soo bandhigaan dooda iyo racfaankooda.

Goobta dhageysiga ayaa waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka, waxaana ka qeybgalaya xubno ka tirsan maamulka gobolka, saraakiil ciidan, ehelada dhibanayaasha iyo qoysaska eedeysanayaasha.

Kiiskan ayaa noqday mid ay si dhow ula socdaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Galgaduud, maadaama uu ka mid yahay dhacdooyinkii ugu murugada badnaa ee sanadkan la diiwaangeliyo.

Garsoorayaasha Maxkamadda Racfaanka ayaa la filayaa in ay go’aanka kama dambaysta ah soo saaraan maalmaha soo socda, marka ay dhageystaan dhammaan dooda dhinacyada iyo caddeymaha cusub ee la horgeyn doono.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles