Wednesday, February 11, 2026

Puntland oo iska fogeysay in Boosaaso loogu duulo Dalka Suudaan

Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa ay iska fogeeyeen eedeyn uu wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi u jeediyay, taasi oo aheyd in garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ay ka baxaan diyaarado tago dalka Suudaan, kuwaasi oo qeyb ka ah dagaalka Sokeeye ee wadankaasi ka socda.

Dawladda Federaalka ah oo ay muddo xileedkeedii ka hareen bilo kooban, kuna fashilantay dhammaan shaqooyinkii loo igmaday waxay ku mashquushay oo shaqo maalmeed ka dhigatay “Dacaayad, been abuur iyo xasarad kicin”.

Dawladda Puntland waxay si cad u beeninaysaa inay wax lug ah ku leedahay dagaalka sokeeye ee ka socda Dalka Sudan iyo in garoonka (Airport) Boosaso looga duulo Dalka Sudan, waxayna Puntland si adag ugu cambaaraynaysaa Dawladda Federaalka ah oo dacaayad ceebayn ah iyo eedayn aan sal lahayn Puntland ku wadda.

Tani waa dacaayad riqiis ah oo lagu magac xumaynayo, laguna xagaldaacinayo guulaha taariikhiga ah ee ay Puntland ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Argaggixisada Caalamiga ah ee buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari. Eedayntaan iyo been abuurkaan waxay garab iyo gaashaan u tahay argagixisada ISIS iyo AS oo ay Puntland iyo saaxiibadeeda caalamiga ahi kula jiraan dagaal adag muddo sanad ah.

Sudan waa Dal aan walaalo nahay, waana ka xunnahay dagaalka sokeeye ee dhexdooda ka socda, waxaana u rajaynaynaa Nabad iyo xasilooni degdeg ah.

Dhinaca kale, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay qiratay in ay si qarsoodi ah maleeshiyaad uga qoronayso gudaha Puntland.

Haddaba, Dawladda Puntland waxay caddaynaysaa in aysan jirn wax ciidan ah oo sharci ah oo ka baxsan ciidamada Dawladda Puntland ee dastuuriga ah oo ay Puntland aqoonsan tahay inay joogaan gudaheeda, mana jiro heshiis amni (Securety architect) oo ka dhaxeeya Puntland iyo Dawladda Federaalka ah. Sidaa awgeed wixii dhib ah oo ka yimaadana maleeshiyada ay xukuumadda xamar qiratay in ay ka qoronaysa Puntland masuuliyadeeda iyada ayaa qaadaysa.

Ugu dambayn Dawladda Puntland waxay si weyn ugu mahad naqaysaa saaxiibadeeda Caalamiga ah ee ka caawiya dagaalka ay Puntland ka waddo buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari ee ay ka mid yihiin USA, UAE, UK, Ethiopia iyo Kenya iyo Shacabka Reer Puntland gudo iyo dibadba oo markasta garab taagan dawladooda, la aantoodna aysan suuto-gal ahaateen in cadawga argagixisada ah laga guulaysto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin...

Soomaaliya oo loo doortay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu doortay...

Turkiga oo maraakiib dagaal keenay Muqdisho

Wasiir dowlaha wasaarada Gaashandhigga XFS Cumar Cabdi Cali uu...

DFS oo sheegtay in adeegyada waxbarashada la gaarsiiyay deegaanada laga saaray Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa...

Dood culus oo ka taagan goobta lagu qabanayo shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka

Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa xalay magaalada Muqdisho...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles