Sunday, December 28, 2025

Puntland oo iska fogeysay in Boosaaso loogu duulo Dalka Suudaan

Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa ay iska fogeeyeen eedeyn uu wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi u jeediyay, taasi oo aheyd in garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ay ka baxaan diyaarado tago dalka Suudaan, kuwaasi oo qeyb ka ah dagaalka Sokeeye ee wadankaasi ka socda.

Dawladda Federaalka ah oo ay muddo xileedkeedii ka hareen bilo kooban, kuna fashilantay dhammaan shaqooyinkii loo igmaday waxay ku mashquushay oo shaqo maalmeed ka dhigatay “Dacaayad, been abuur iyo xasarad kicin”.

Dawladda Puntland waxay si cad u beeninaysaa inay wax lug ah ku leedahay dagaalka sokeeye ee ka socda Dalka Sudan iyo in garoonka (Airport) Boosaso looga duulo Dalka Sudan, waxayna Puntland si adag ugu cambaaraynaysaa Dawladda Federaalka ah oo dacaayad ceebayn ah iyo eedayn aan sal lahayn Puntland ku wadda.

Tani waa dacaayad riqiis ah oo lagu magac xumaynayo, laguna xagaldaacinayo guulaha taariikhiga ah ee ay Puntland ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Argaggixisada Caalamiga ah ee buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari. Eedayntaan iyo been abuurkaan waxay garab iyo gaashaan u tahay argagixisada ISIS iyo AS oo ay Puntland iyo saaxiibadeeda caalamiga ahi kula jiraan dagaal adag muddo sanad ah.

Sudan waa Dal aan walaalo nahay, waana ka xunnahay dagaalka sokeeye ee dhexdooda ka socda, waxaana u rajaynaynaa Nabad iyo xasilooni degdeg ah.

Dhinaca kale, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay qiratay in ay si qarsoodi ah maleeshiyaad uga qoronayso gudaha Puntland.

Haddaba, Dawladda Puntland waxay caddaynaysaa in aysan jirn wax ciidan ah oo sharci ah oo ka baxsan ciidamada Dawladda Puntland ee dastuuriga ah oo ay Puntland aqoonsan tahay inay joogaan gudaheeda, mana jiro heshiis amni (Securety architect) oo ka dhaxeeya Puntland iyo Dawladda Federaalka ah. Sidaa awgeed wixii dhib ah oo ka yimaadana maleeshiyada ay xukuumadda xamar qiratay in ay ka qoronaysa Puntland masuuliyadeeda iyada ayaa qaadaysa.

Ugu dambayn Dawladda Puntland waxay si weyn ugu mahad naqaysaa saaxiibadeeda Caalamiga ah ee ka caawiya dagaalka ay Puntland ka waddo buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari ee ay ka mid yihiin USA, UAE, UK, Ethiopia iyo Kenya iyo Shacabka Reer Puntland gudo iyo dibadba oo markasta garab taagan dawladooda, la aantoodna aysan suuto-gal ahaateen in cadawga argagixisada ah laga guulaysto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka...

Wadamo iyo Ururo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid...

Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal...

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos...

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles