Israa’iil oo xirtay xuduuda ay la wadaagto Masar

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yisrael Katz, ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in uu amar ku bixiyay in ciidamada ay xiraan xadka u dhaxeeya Israa’iil iyo Masar oo laga dhigo aag ciidan oo xiran, si looga hortago hubka sida qarsoodiga ah loogu soo geliyo marinka Qaza ee loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu sheegay

War qoraal ah oo uu soo saaray Katz oo lagu daabacay akoonkiisa Telegram-ka ayaa u dhignaa sidan: “Waxaan faray ciidamada IDF in dhulka ku dheggan xuduudka u dhexeeya Israa’iil iyo Masar laga dhigo aag ciidan oo xidhan, isla markaana la waafajiyo shuruucda dagaalka si looga hortago khatarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee halista ku ah amniga dawladda

Waxaa uu intaasi ku daray “in hubka sharci darrada ah ee loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayni uu qayb ka yahay dagaalka Gaza, ujeedaduna tahay in la hubeeyo cadawgeena, waana in la qaado tallaabo kasta oo lagu joojinayo” ayuu yiri

Xadka u dhaxeeya Israa’iil iyo Masar ayaa gaaraya ilaa 200 oo kilomitir, waxaana si adag loo ilaaliyaa si looga hortago hub iyo daroogo

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles